Rasmi:Suuqa Kala iibsiga Xagaaga Ee Horyaalka Premier League Oo Si Rasmi Ah U Xidhmay

10

Waxa si Rasmi ah albaabada loogu xidhay suuqa kala iibsiga xagaaga ee horyaalka premier League kaas oo haatan si Rasmi ah xidhmay ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Premier League ayaa sidii caadada ahayd si fiican u xoojiyay kooxohooda suuqana si weyn u galiyay lacag ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Liverpool ayaa xagaagan ah kooxda Lacagta ugu badan suuqa galisay iyada oo xiddigo kula soo saxiixatay lacag dhan 182 milyan euro.

Kooxda West Ham ayaa ku xiga iyaga oo suuqa galiyay lacag dhan 100 milyan oo euro kulana soo saxiixday xiddig badan fiican.

Dhanka kooxda Man United ayaa niyad jab kala baxday suuqa xagaagan iyada oo aan la soo saxiixan xiddigihii uu jose Mourinho doonayay.

Chelsea ayaa dhankeeda noqotay kooxda samaysay saxiixa ugu qaalisan iyada oo goolhaye Kepa ka bixisay lacag dhan 80 milyan oo euro.

Arsenal ayaa dhankeeda ah kooxda xiddigaha ugu badan la soo saxiixatay iyada oo la soo saxiixatay 5 xiddig halka Man city kaliya la soo saxiixatay Riyad Mahrez marka laga hadlayo saxiixyada waaweyn.