Rasmi: Philippe Coutinho Oo Lambar Cusub U Qaatay Kooxdiisa Barcelona

7

Markii ay Kooxda Barcelona la soo saxiixatay Philippe Coutinho suuqii January waxa uu kooxda u xidhay lambarkii uu Wakhtigaas baneeyay Javier Mascherano halka ay haatan lambar cusub siiyeen.

Kooxda Barcelona ayaa haatan xaqiijisay in ay xiddiga reer Brazil gacanta u galisay Lambarka No.7 oo uu baneeyay xiddiga Arda Turan oo kooxda ka tagay.

Markii uu Coutinho qaatay Lambarka 14 waxa ay qorshaynayeen in ay la soo saxiixdaan xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann kaas oo ay doonayeen in uu qaato Lambarka No.7.

Si kasta ha ahaatee Antoine Griezmann ayaa ku fashilmay in uu ku soo biiro kooxda Barcelona isaga oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Atletico Madrid.

Philippe Coutinho ayaa haatan kooxda Barcelona u qaadanaya lambarka No.7 xilli ciyaareedka cusub inkasta oo horay u jireen warar sheegaya in ay Barcelona Lambarkaas siisay xiddiga cusub ee Malcom.