Shaqaale u shaqeynayay hay’adda Bisha Cas oo lagu afduubtay gobolka Bay

40

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan shaqaale ka tiran hay’ada Bisha Case e Soomaaliyeed oo lagu afduubtay deeganaka Busley oo 24km u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Shaqaalahan oo shan ruux  ka koobnaa ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen dumar iyagoo ku sii jeeday deegaanka Awdiinle.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay afduubkan ka dambeysay hase yeeshee waxaa deegaano ka mid ah gobolka Bay ku sugan dagalayahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saraakiil u hadashay Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo badbaadiyaan shaqaalahan rayidka ah ee afduubka loo geystey.