Rag Hubeysnaa Oo Lagu Qabtay Kismaayo & Arin Fool Xun Oo Lagu Hayo

14

Taliska Ciidamada Amniga Ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay Labo nin oo Waxyaabaha Maanka dooriya ka ganacsan jiray.

Booliska waxay sheegeen in ragga lasoo qabtay ay ahaayeen kuwo si qarsoodi ah ku ganacsanayey Xaafadaha Magaalada Kismaayo Qaarkood.

Howlgal Booliska sameeyeen ayaana lasoo qabtay Raggaan oo Hubeysnaa xilliga gacanta lagu dhigayey.

Saxaafada ayaa loo soo bandhigay Baco ay Xashiish ku jireen oo raggaas lagu soo qabtay.  Hay’ada garsoorka ayaana la sheegay in lagu wareejin doono,si baa la yiri Maxkamad loo horkeeno raggaan.