Buug ka hadlaya Taariikhda iyo Awooda Qarsoon ee Alshabaab oo la soo saaray

8

Waxaa soo baxay, Buuggii ugu horreeyay ee ay wada qoreen wariyaha Caanka ah ee Harun Macruuf iyo Djoseph, buuggaas oo ka hadlaya Taariikhda Al-Qaacidda Garabka ugu awoodda badan ee Al-shabab,waxaa la heli doonaa 1da October 2018,waxaa uu ka dhashay cilmi baaris socotay saddex sano.

Mid ka mid ah Ururrada ugu xoogga Islaamka ee Afrika ,waa Al-shabab, waxaa ay u dhaqmaan sida Daalibaan, waxaa ay maamulaan malaayiin Soomaali ah, waxaa ay Qatar kordheysa ku hayaan Xasilloonida Geeska Afrika, Soomaalida waxaa ay halis ugu jiraan aargoosi, ciddii ka hortimaada waa ay dilaan, waxaa ay xaddidaan, nolosha maalilaha ah waxaa ay soo rogaan amarrada sida dharka, Ciyaaraha, Xiriirka shaqsiyaadka iyo Cibaadaha ah.

Taariikhda qarsoon ee Garabka ugu awoodda badan Al Qaacidda, Waxaa lagu eegayaa soo if baxoodii,hoos u dhacoodii iyo kobacoodii mar kale, iyo xiriirka ay la leedahay Al Qaacidda, waxaa ay ka kala imanayaan Wareysiyo lala yeeshay xubno ka goostay Al-shabab, oo ay ka mid yihiin saraakiil xilal sar sare ka soo qabtay,Saraakiil Milatari,Boolis iyo Ciidanka lugta.

Waxaa qoray Harun Macruuf iyo Dan Joseph,waxaa uu shaacinayaa buugga cidda ku dhiirra gelisay ku biirista Al-shabab, Jihaadkeeda rabshadaha xambaarsan,ilaha dhaqaalaha,sida ilo diblomaasiyadeed oo Mareykan ah,oo uu shaaciyay Wikileaks,waraaqo laga helay goobtii uu ku dhuuman jiray Usama Bin Laden,gal dacwadeedyada ka dhanka ah Xubnaha AL-shabab ee Mareykanka, Farriimo laga helay Hillary Clinton’s markii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.

Waxaa sidoo kale Buugan ku xusan, Warbixinnada Al-shabaab, muuqaalladooda oo Harun iyo Joseph ee baaritaanka Mareykanka ee AL-shabab,iyo sida fargelintii Mareykanka taageerayay ee Itoobiya ee 2006dii ay kooxdan u siisay shacbiyadda,una sahashay in ay helaan dad badan islamarkaana noqdaan awood xoog leh.