Al Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaan Dhaca Xadka U Dhexeeya Somalia Iyo Kenya.

60

Xarakada Al Shabaaab ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Geedweyne ee Gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab u sheegay in dagaalyahanadoodu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Geedweyne, xaaladuna ay tahay mid degan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al-Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha deegaanka.

Deegaanka Geedweyne ayaa ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Dooloow ee ku dhow xadka u dhexeeya Wadamada  Kenya iyo Soomaaliya, Waxaana ku sugnaa saldhigyana ku lahaa Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.