XOG: Maxaa ka jira in wada hadalada Itoobiya & ONLF uu fududeeyay Qalbi dhagax?(Sir muhiim ah)

Waxaa jira shir lagu wada hadalsiinayo jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya oo ka socda magaalada Nairobi,kaasoo oo ay garwadeyn ka tahay Dowladda Kenya.

 Shirka ayaa la sheegayaa inuu ka socda goob qarsoodi ah,waxaana lagu soo waramayaa in gabagabadiisa heshiis dhowr qodob ka kooban la kala saxiixan doono.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa BBC-da u sheegay in uu u malaynayo in wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war saxaafadeed.

Warar aan heleyno oo ku saabsan wada hadalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa sheegaya in wadada hadalada uu fududeeyay C/kariim Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo isaga Dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya ka dib heshiis dhexmaray.

 Inkastoo war cadeyn hadana waxaa jira ilo ku dhow Jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Nairobi oo xogtaan aan ka helnay.

Ma ahan markii koowaad oo ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore.

Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusanyahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay oo ay wada hadlaan Itoobiya iyo Jabhadda ku kacsan ee ONLF ee sanadkii, 1989-kii ayay wadahadleen, sidoo kale1990-kiina wey wada hadleen”.

Taageerayaasha jabhadda iyo kuwa kale ayaa baraha bulshada kusoo qoray in horumar laga gaaray shirka, islamarkaasma ay u muuqato in heshiis kama dambeys ah la’isla fahmi doono.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...