Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Mukhtaar Roobow iyo Xasan Daahir Aweys?

Bishii Juun sanadkii 2013 waxaa magaalada Muqdisho la keenay Xasan Daahir Aweys oo Shabaab ka tirsanaa, oo beeshiisa ay Cadaado kasoo kaxeysay, markii uu lafahiisa kala baxsaday Al-Shabaab.

Xasan Daahir waxaa Cadaado kasoo waday beeshiisa Habargadir, gaar ahaan Ceyr ayago lafahiisa usoo badbaadiyey maadama uusan ku noolaan karin dhulka beeshiisa, islamarkaana Shabaab ay baadi goob xoogan ugu jireen.

Odayaashii Xamar keenay, ayaa waxaa asiibay xaalad xun markii la garaacay, si xun ayaa loo jirdilay sid aad wada ogtahiin ama sawirada ka aragtaan. Xitaa Indhacade waa ku jiray kuwa la garaacay.

Arrintaas ayaa loo aaneeyey ciidamada ka tirsan dowladda, ayada oo madaxda dowladda ay sheegeen inaysan waxba kala socon dhibka dhacay, markii dambena xaal marin laga bixiyey.

Sanadkaa 2012 waxaa lafahiisa Shabaab kala cararay Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, waliba waxaa dayaxa ku raadinaayey Mareykan madaxiisa waxaa la duldhigay 5 million oo dollar halka xasan daahir cidna raadsaneeynin

Abuu Mansuur waxuu galay gobolada Beeshiisa ee Baay iyo Bakool, waxuuna helay soo dhaweyn iyo difaac adag oo beeshiisa ah Al-Shabaab dhowr mar ayey weerar ku qaadeen, waana ku fashilmeen waxuuna halkaa ku noolaa Juun 2012 ilaa Agoosto 2017.

Maalmo ka hor waxaa siyaasiinta beeshiisa ee heerar kala duwan ah geeysay Muqdisho kadib heshiis dowlada iyo ayaga dhax maray kaas oo dhigayo in Wadaadka si wanaagsan loola dhaqmo, cid wax yeeli kartana la arag.

Xalay waxuu tagay Villa Somalia uu kula kulmay raysal wasaaraha waxuuna dalbaday nasiino dhowr todobaad ah, waxaana hooy looga dhigay Xarunta Maama Khadiija oo si weeyn loo ilaaliyo ragii geeyey Muqdisho amaan iyo bogaadin ayey ka heleen dowlada iyo shacabka soomaaliyeedba

Xasan Daahir aweys ilaa hadda waa xabsi guri, aan Muqdisho xataa dhax mari karin, oo guri ku xiran.

Labada ninba waa dambiilayaal umadda dhibaato xooggan u gaystay, dad badanna laayey, hase yeeshee farqiga u dhaxeeya ayaa ah labada beelood ee ay ka kala dhasheen, waxaana muuqata in beesha Roobow ka siyaasad iyo karti badan tahay beesha Xasan Daahir.

Dad ayaa ku doodi kara in Roobow Shabaab ka baxay, sidaasna kaga fiican yahay Xasan Daahir, hase yeeshee laba erey oo afka laga sheegay, ma u dhigantaa boqolaalka qof eek u baxay gacanta labadan nin?

Marnaba ma mudna labadan nin in la cafiyo ama si diiran loo qaabilo, hase yeeshee waxaa muuqata in farqiga kaliya ee u dhaxeeya uu yahay beelaha ay kasoo kala jeedaan.

W/Diyaariyey: Cabdalla Isxaaq

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan,

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...