Wararkii ugu Dambeeyay Saraakiisha Shabaab oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday & Kala Carar Ku dhacay

Cabsi xooggan ayaa soo wajahday Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Koonfureed ee Somaliya, kadib markii ay kordheen Duqeynta diyaaradaha ee lagu bartilmaameedsanaayo Saraakiisha Ururka Al Shabaab.

 Bishan gudaheeda waxaa dhacday Duqeyn kala duwan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo qaarkood ay leeyihiin Dowladda Mareykanka, waxaana lagu bartilmaameedsaday Saraakiil ka tirsanaa Shabaab.

Habeenkii Khamiista todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa waxaa duqeyn lagu bartilmaaameedsaday Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ciidamo ajaanib ah iyo kuwa Somali ah ay beegsadeen.

Sidoo kale isla Bishan gudaheeda ayaa waxaa duqeyn lagu bartilmaameedsaday Sarkaal Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo la sheegay inuu madax u ahaa ciidamada Shabaab ee Buuraha Galgala ku jira, waxaana duqeynta ay ka dhacday isla Gobolka Shabellaha hoose.

Ilo Wareedyo ayaa Calanka24.com u sheegay madaxda Shabaab inay soo food saartay cabsi xoogan oo ku aadan in lagu duqeeyo deeganada ay joogaan, waxaana taasi ay dhalisay in habeen waliba Saraakiisha Shabaab ay seexdaan meelo kala duwan.

Magaalooyinka waaweyn ee Shabaab ay gacanta ku hayaan sida Jilib, Jamaame iyo Magaalooyinka kale, ayaa habeenkii markii ay galayaan gaadiidka Shabaabka, gabi ahaanba waxaa la damiyaa nalalka, oo gaariga waxaa lagu hagaa toosh, si nalka gaariga aysan diyaaradaha dagaalka u soo raacin oo loo bartilmaameedsan.

Sidoo kale madaxda Shabaab ayaa si aad ah isaga ilaaliya taleefanooda, oo meelaha qaar ay tagaan waxa ay kala saaraan moobeelka iyo Simcard ay ku isticmaalaan, maadaama xilliyada qaar duqeymaha la fuliyo moobeelka lagu hago.

Walaacan xoogan ee Saraakiisha Shabaabka soo food saaray ayaa ah kii ugu xooganaa, waxaana sidoo kale jirto shaki xoogan oo ka dhex jira Ururka Al Shabaab dhexdooda, maadaama ay jiraan shaqsiyaad kala duwan oo dhanka dowladda u soo baxsaday, kuwa kalena laga cabsi qabo inay u baxsadaan dhanka dowladda.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...