XOG WARAN: Farmaajo & Kheyre oo Niyad jabsanaa balse hada Farxay

Mooralka Dowladda Somaliya, ayaa noqday mid aad u wanaagsan, ka dib markii ay xaqiijisay in ay gacanta ku soo dhigtay Madaxii Amniyaadka Ururka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir.

 Hawlgal gaar ah oo Ciidamada Dowladda ay ka sameeyen Suuqa Bakaaraha, ayay ku soo qabteen C/wahaab Khaliif Axmed (Ciise Tarabuun), oo lagu eedeynayo in uu soo maleegay shirqoolo lagu dilay dad badan.

Mooralka Dowladda Somaliya, ayaa toddobaadkii hore xumaaday, markii dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ay weerar qorsheysan ku galeen maqaaxida Pizza House ee Magaalada Muqdisho, iyagoona ku dilay 24 qof, oo shan ka mida ay yihiin ciidamada ammaanka.

Dareenkii ay qabeen Madaxda Qaranka, ayaa waxaa sii kiciyay dhalleeceen xoog badan oo kaga timid qaybaha bulshada, oo si adag dowladda ugu dhaliilay barraha bulshada. Dhaliilaha loo jeediyay dowladda waxaa ugu muhiimsanaa inaanay ka hortagin dhagartii Shabaab ee maqaaxida Pizza House iyo in waqti badan kaga qaadatay soo afjaridda weerarkaasi.

Madaxda Qaranka, ayaa xilligaa u muuqday kuwo jawaab sax ahi aan u haynin dhaliilahaasi, ha yeeshee waxaad hadda mooddaa in ay jawaabtaasi helayn, haddii gacanta dheer ee sharciga uu soo galay mid ka mid ah dembiile-yaasha ugu waaweyn argagixisada Somaliya.

 Sarkaal Madaxtooyada Somaliya ka tirsan, ayaa xaqiijiyay in dhaliilihii toddobaadkii hore loo soo jeediyay Madaxda Qaranka ay niyad-jab ka dhaxlayn, balse uu mooralkoodu soo hagaagay, markii gacanta lagu soo dhigay Ciise Tarabuun.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa loo adeegsan Warbaahinta, ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanku ay Isniintii muujiyeen awoodda ay u leeyihiin in ay soo qaban karaan Saraakiisha Shabaabka, ee dhuumaaleysiga ku imaanaysa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Sarkaalkan Villa Somalia ka tirsan, ayaa waxaa uu inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba, ay u hambalyeeyeen ciidamada ammaanka, oo mudnaanta guushaasi iyagu leh.

Bulshada Somaliyeed, ayaa waxaa looga baahan yahay inaanay sheeg sheegin oo keliya dhaliilaha dowladda, sidoo kalana ay la shaqeeyan ciidamada ammaanka, soona sheegeen kuwa ay kaga shakisan yihiin nabadiidka, si garsoorka loo waafajiyo.

Bulshada reer Muqdisho, ayaa Khamiistii wada qiray in Shabaabku aanay dagaal kula jirin dowladda oo qura, sidoo kalana ay dagaal kula jiraan shacabka, ka gadaal markii rayid badani ay si arxan-darro ahi ugu dhex toogteen Pizza House.

Xeel dheere-yaasha, ayaa aaminsan in dadka reer Muqdisho ay ka gaabiyen la shaqaynta hay’adaha amniga iyo inay soo sheegan xubnaha ka tirsan mintidiinta, inkastoo loogu cudur-daaro kalsooni badani, oo aanay ka haysan Ciidamada Dowladda.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...