Warbixin Gaar ah: Xaaladda Muqdisho oo Marti gelisay Dhibaatadii ugu xooganeyd & Sida ay wax udhacayaan

Magaaladda Muqdisho ayaa ku jirta xaalad aanan la qayaasi Karin iyadoo caadi ay iska noqdeen qaraxyada iyo dilalka ay Kooxda Shabaab geysanayaan.

 Dad shacab ah oo aan waxba galabsan Allah dartiisna u sooman ayay Shabaab ku laayeen weeraradii ay ka geysteen Muqdisho oo ay u jiraan sedexdii weerar ee bishan maalmaheedii ugu dambeeyay dhacay.

Wariye Idiris Abdulkhadir (Alteeso) ayaa Warbixin dheer oo qodobeysan ka diyaariyay Weeraradii magaaladda ka dhacay iyo waxyeelada ka dhashay

HOOS Ka Akhri Warbixinta

  • Magaalada Muqdisho ayaa ku jirta maalmo dhib badan oo qoysas badan ayey tacsi u taalaa.
  • 9 maalmood gudahood Muqdisho waxaa ka dhacay Sadax weerar oo waaweyn iyo kuwa yar yar
  • Arintaas ayaa ka dhigan in Sedexdii maalin kadib uu dhaco weerar iyo qaraxyo isdaba socda
  • 14ka bishaan weerar shacabka Somaliyed ay kanaxeen ayaa lagu qaaday maqaayada Pizza House, waxaana ku geeriyooday 29 qofood oo rayid ah

– Dadkii lagu laayay weerarkii Pizza House waxaa ku jiray labo gabdhood oo walaalo ah iyo caruur da’dooda u dhaxeeysa 8 ilaa 12 jir

  • 20ka bishaan weerar ismiidaamin ayaa lagu qaaday xarunta Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas ku naf waaayay 14 ruux
  • Labo maalin kadib maanta oo bisha ay tahay 22ka bisha ayaa waxaa weerarkii sadaxaad oo ismiidaamin ah lagu qaaday saldhiga degmada Waabari, inka badan 8 qofood ayaana ku geeriyootay
  • Tirada guud ee wazaarada arimaha gudaha ay soo bandhigeen waa 51 qofood oo qaraxyo ugu geeriyooday kaliya mudo 9 maalmood gudahood
  • Shacab ku dhaqan Muqdisho ayaa inta badan ka murugeeysan xaalada adag ee magaaalada lasoo daristay, halka qaar kale ay qabaan in dulqaad la muujiyo
  • Qof Muqdisho dagan ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Subax kasto oo aan guriga kasoo baxo waan lasoo dardaarmaa faamilkeeyga”.
  • Bishii hore dowladda waxey ku dhawaaqday in hubka magaalada dhexyaacaya la aruurinayo, waxaana la sameeyay ciidamo isku jira oo la magac baxay “Xasilinta amniga”.
  • Jidadka yaryar ee soo gala wadooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay xirnaa, taas oo looga danleeyahay in la hubiyo amaanka caasimada
  • Lakin sida dad badan ay qabaan waa lagu guuldareystay amaanka oo la adkeeyo waayo meelaha qaraxyada ay ka dhacayaan waa goobihii askarta xasilinta amaanka ay u badnaayeen
  • Aqoonyahan Ismacil Axmed Samatar oo Muqdisho jooga ayaa CCTV u sheegay in amaanka uu faraha ka baxay.
  • Weerara dhacaya wali ma jiro hal weerar oo la fashiliyay, waliba weerarkii 2 maalin ka hor lagu qaaday xarunta Wadajir waxaa fududeeyay askari boolis ah oo ka tirsan dowlada
  • Wasiirka kowaad ee xukuumada Somaliya mudane Kheyre oo ka careysan kharaxii Waabari ka dhacay ayaa si dag dag ah shir aan caadi ahayn isugu yeeray Golaha amniga qaranka
  • Ma ahan markii ugu horeeysay oo qaraxyo ay ka dhacaan Muqdisho lakin maalin kasto naf qaali ah ayaa go’eeysa, Faamilo kala duwan ayaa tacsi u taalaa, qof aad taqaanay ayaa dunida macsalaameynaya, gabdho mustaqbal leh ayaa la dilayaa
  • Aragtida Shacabka Somaliyed meel walbo ay joogaan ayaa kala duwan lakin badankood xaalada Muqdisho wey ka walwalsan yihiin.

Adiga ahaan makula tahay amaanka Muqdisho inuu ka baxay gacmaha dowlada ?

Waxaa qoray: Idiris Abdulkadir Alteeso

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...