WAR CUSUB: Mukhtaar Roobow oo laga saaray Liiska Argagixisada Somalia ee Al-shabaab

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Mareykanka ay Liiska Argagixisada ka saartay Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan ”Abuu Mansuur”.

 Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in dib looga fiirsanaayo Kiiska sababay in Abuu Mansuur lagu daro Liiska Argagixisada adduunka, kadib markii ay dhowr sano ka hor kala irdhooben Al-shabaab.

Wadaadkani lagu magacaabo Abuu Mansuur, ayaa horay usoo noqday Horjooge ku-xigeenka Hogaanka Sare Shabaab, waxa uuna mudooyinkaani danbe ahaa mid gooni u goosat ka ahaa Shabaab.

Abuu Mansuur, ayaa sidoo kale horay usoo noqday Afhayeenka maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay uu shaaciyay inuu isaga baxay waxa loogu yeero Al-qaacidada Somalia ee Shabaab.

 Sababta uu Abuu Mansuur, uga baxay maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu sheegay in muddo Seddex jeer uu ka baxsaday weeraro loo qorsheeyay in lagu dilo.

Sidoo kale, Abuu Mansuur ayaa go’aankiisa ka bixitaanka Shabaab soo degdegay wixii ka danbeeyay dilka Saaxiibadii gaarka ahaa ee Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Ibraahim Afgaani oo xiligaa garab u ahaa Wadaadka laga saaray Liiska Argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay warbaahinta madaxbanaan hadal hayeen in Abuu Mansuur uu isku soo dhiibayo DFS isla markaana uu u socdo wadahadal.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...