Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay xaquuqda muwaadiniinta Yurub ee ku nool UK & Somalida oo Aad..

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay inay dooneyso in saddex milyan oo ah muwaadiniin ka soo jeeda waddamada Midowga Yurub ee ku nool Britain ay joogaan, ka dib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Mrs May ayaa sheegtay inay yeelan doonaan xuquuqo la mid ah kuwa ay muwaadiniinta Britain u leeyihiin caafimaadka, waxbarashada, faa`iidooyinka iyo lacagaha dadka howlgabka noqda la siiyo.

 Dowladda ayaa sameyn doonta wax walba oo ay awooddo si ay u fududeyso hannaanka u damaanad qaadaya xaqa ay u leeyihiin inay sii joogaan muwaadiniinta Midowga Yurub ee Britain ku noolaa muddo shan sano ah.

Madaxa midowga Yurub u qaabilsan wadaxaajoodka ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, Michel Barnier, ayaa sheegay in ujeeddadiisa ku aaddan xuquuqda muwaadiniinta ay ahayd in lagu guuleysto dhowrid la mid ah tan sharciga Midowga Yurub uu dhigayo.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar

 

Warbaahinta Xurta ah ee maanta Calanka24.com

Nagala Soo Xiriir  EMAIL:Calanka24@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

SOMALI NEWS UPDATE

AKHRISO-Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Oo Dhammeystiran
- Feb 24, 2018
Khasaare ayaa ka dhashay ilaa 3 qarax oo xalay  ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadan ...
Wasiir isugu yeeray shirkadaha isgaarsiinta si looga dhaadhiciyo sharci cusub oo lagu soo rogay
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta ...
Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay
- Feb 24, 2018
-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ...
XOG: Xildhibaano ka soo jeeda G/Sool,Sanaag & Ceyn oo dalab Xasaasi u gudbiyay MD Farmaajo
- Feb 24, 2018
Warar hoose aan helay ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Senataro katirsan dawladdaFaderaalka Soomaaliya, kana ...